Wednesday, 4 September 2013

Dharaaro Xusuustood - 2013


Maxamed Siciid Gees – Hargeysa

Xasanow xoolo dhaqasho iyo markaad xillo ka weynaatid
Saw dharaaro tegay xasuustood dib uma soo xigati

Qeybtii 1aad

Sannadkii 1999 aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland ee Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa Madaxweynuhu Digreeto soo saaray uu ku magcaabayo jaggadii Guddoomiyihii Guddiga Caddaaladda, Wasiirkii Caddaaladda, Dastuurkuna waxa uu dhigayaa in Guddomiyaha Maxkamadda Sare uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda.

Haddaba, aniga oo ka mid ahaa Guddigii isku daray labadii nuqul ee Dastuurka Qaranka ee midna uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa ee Dr. Khaliil oo markii dambe madax ka noqday aftidii laga qaaday Soodaanta Konfureed ee ay waddanka cusub ku noqotay iyo nuqulkii uu samayey Guddigii uu u xil-saaray Golaha Wakiilladu. Markii aanu arrintaas ka doodaynay, waxa qoraal noo soo diray Guddoomiyihii Maxakamad Sare oo ahaa nin aqoon sharci leh oo qoraalkiisa kaga digay inaan Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaheed aan la gelin Maamulka Maxkamadaha ee ay ku koobnaadaan Garsoorka oo keliya. Taladiisii lama qaadan.

Haddaba, si cabashada dadwenyuhu ka cabbanayaan Maxkamadaha uu wax uga qabto ayuu Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal tallaabadaas u qaaday. Arrintii cirka ayey u baxday oo Golihii Wakiilladu oo ahaa kii ugu xilkasnaa ee ina soo mara oo ay hagayeen Guddoomiyayaal waxgarad ah sida Mudane Axmed Qaybe iyo Cabdiqaadir Jirde waa ka booday, waxayna ku eedeyeen xukuumadda gaar ahaan Madaxweynaha inuu Dastuurkii jebiyey.

Guddi ayuu magacaabay Madaxweyne Cigaal oo uu madax ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaas ahaa Wasiirka Maaliyadda, si ay Golaha Wakiillada ugala hadlaan arrintan. Waxa arrintii genafka ku dhuftay oo diiday xitaa inay soo galaan Xarunta Golaha Xildhibaanada Golaha.

Arrintu markay halkaas gaadhay, ayaa waxa soo dhexgalay Golaha Guurtida, waxayna soo jeediyeen in la wadahadlo saddexda Gole oo Guurtidu dhexdhexaadin samayso, iyada oo fadhigii laga dhigay Madaxtooyada: toban xubnood oo Golaha Wakiilladu soo dirtay iyo Guddigii Wasiirrada ahaa oo aan ka mid ahaa ee uu Cigaal hore u magacaabay iyo Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo xubno u Xaaji Cabdi Waraabe ka mid yahay.

Waxa kale oo kulanka fadhiyey Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo Daahir Rayaale iyo Mudane Axmed Qaybe oo ahaa Guddomiyaha Golaha Wakiillada. Dooddii waxa furay xubnihii ka socday Wakiillada oo Guurtidu u martiqaaday oo iskaga daba noqday gefka Dastuuriga ah ee ay Xukuumaddu u badheedhay. Xukuumadda xubnihii Wasiirrada ahaa iyana difaac ayey galeen. Shirguddoonkii Guurtida oo lagu yaqaanno weligeed inay xukuumadda iyo Madaxweynaha taageerto waxay xaajadii ku noqotay af-kala-qaad oo way ku dhici wayday inay sheegto halka eedu jirto.

Markii hadalkii la isku celceliyey oo Madaxweyne Cigaalna uu aamusan yahay, ayaan hadalkii u holaday oo aan hadlay. Waxa aan markaas ka madax ahaa Guddi soo diyaarinaysa wax-ka-beddelka Dastuurka ee xukuumaddu u gudbinayso Golayaasha intaan aftida loo bandhigin Dastuurka. Nuqulka aanu gacanta ku haynay waxa la hordhigayey Golaha Wasiirrada oo ka doodayey, dabadeedtana ansixinayey intaan loo gudbin Golayaasha Baarlamanka.

Xog-ogaalnimadaa awgeed ayaan ku dhiiraday hadalkaygii oo aan idhi; “Haddii aanu xukuumadda nahay waa ka noqonay qaladkii dhacay, waxa aanu ka codsanaynaa Golayaasha Baarlamanku inay wax nagala qabtaan wax-ka-beddelka Dastuurka ee aan soo gudbin doono.” Dadkii ayaa iswada eegay, Madaxweyne Cigaal yaa isaguna yaabay oo yidhi; “Waar horta qalad maanaan samayn, hase yeeshee sidaas Gees sheegay waa ka noqonay arrintii.” Dadkii ayaa neefi ka soo wada booday, khilaafkiina halkaas ayuu ku dhammaaday.

Markii aan gurigii tegay ayaan isla yaab dhiiranaantayda Madaxweynihii oo fadhiya oo aanan la tashan ayaan awooddiisii ku dhawaaqay, bal edeb-darradaa day iyo Madaxweyne Cigaal oo arrintii ka xanaaqin ee qaatay, saw wax lala yaabo ma aha. Xaggee ayey ka dhacdaa? Waxay ahayd sida Afrika iyo Soomaalida looga bartay inuu bartaas xilka igaga qaado baratakoolka aan jebiyey, balse waxa uu doorbiday in ay talo sax ah ahayd.
Waxa kale oo iyana jirtay in Madaxweyne Cigaal oo aad isaga dhawri jiray Wasiirrada ka soo jeeda Beelaha Darafyada ee aan Isaaqa ahayn, kumana dheerayn jirin xil-ka-qaadidooda, balse waxa uu caydhsan jiray Wasiirrada Isaaq ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beeshiisa Habar/Awal. Halkaas waxa kaaga muuqanaysa falsafadiisa waxay ku dhisnayd.

Fogaynta reerkiisa illeyn waa ay ku qasban yihiin inay u hiiliyaan mar kasta sida Xeerka Qabiilku dhigayo, soo-dhowaynta reeraha kale, gaar ahaan kuwa aan Isaaq ahayn iyo inuu sadbursiinyo u oggolaado.

Qeybtii 2aad

Markii mucaaradku ku dhawaaqeen dib-u-habaynta SNM, ayaa Marxuun Madaxweyne Cigaal koox Wasiirro ah oo aan ka sii xasuusto Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo), Marxuun Maxamuud Saalax (Fagadhe), Axmed Xuseen Oomane, Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dareewal), Dr. Cabdi Aw Daahir iyo aniga [Maxamed Siciid Gees], ayuu u soo qoray waraaqo, ku bilaabmaya; ‘Ajandaha shirka waxa ugu horreeya inaan laga war helin shirkan.’ Shirka oo ka dhacaya Madatooyada afarta iyo badhka galabnimo. Sidaas ayaa Wasiir waliba isaga oo aan Maradiisa u sheegin iska daa cid kal oo ayaanu madaxtooyada waqtigii isku wada aragnay.

Madaxweyne Cigaal waxa uu ka hadlay qoladan sheeganaysa Dib-u-habaynta SNM iyo waxa laga yeelayo, maadama qolayada beelaha darafyada aanu aqoon fiican u lahayn jabhadda waxa doodii ka hadlay Wasiirradii SNM ahaan jiray oo uu fadhiyey Guddoomiyihii dhaqdhaqaaqa SNM ee ugu waqtiga dheeraa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa ay doodoodu u badanayd Golihii Dhexe ee SNM shir dambe may qabsan intii ka dambaysay ku-dhawaaqiddii gooni-isu-taagga Somaliland ee Shirweynihii Burco, Guddoomiyaheedii xamar ayuu qabtay, xubnihii Guddiga Dhexe waa kala tageen, ma jirto cid sheegan karta SNM jirta hadda. Nimankan sheeganayaa waa xubno ka mid ahaa, kuwa kalena xukuumadda iyo golayaasha iyo shaqaalaha iyo ciidammada qalabka sida ayey ka mid yihiin cidna keligeed ma sheegan karto.

Doodii qoladii Sta ahayd halkaas ayey la mareen. Qoladayadii kale waxa noogu dhiiranaa Maxamuud Saalax Fagadhe oo aqoonyahan sare ahaa oo hadal cad oo cidna ka xadhig xidhan oo muran badan oo weliba hirdinta madaxu ka soo horayso, ayaa hadalkii qaatay oo ku tiraabay; “Madaxweyne, shirkii Boorame ayaa lagu tirtiray wixii xisbi iyo jabhad la odhan jiray heer beelo ayaa lagu heshiiyey, waa maxay waxan dib loola soo baxay? Annaguna USP-dii ayaan ku noqonaa miyaa? Marba sheeko miyaa naloo keenayaa waxba kama jiraan Dib-u-haybanta SNM la sheegayaa.”

Wasiir Fagadhe halkaas ayuu maray jid ayuu u lahaa, hase yeeshee daw uma aanan arkin. Aniga ayaa u baxay hadalkii oo waxa aan idhi anoo xiganaya hadalkii Fagadhi; “Madaxweyne dagaalkii Daraawiishta Ina Cabdule Xasan waxa laga jooga boqol sanno, haddana weli Dhulbahante waa ay ka sii sheekaynayaan oo gabayadii iyo magacyadii sida khusuusiga ayey weli ku hadaaqayaan oo may ilaawin, sidaas oo kale Isaaq boqolka sanno ee soo socota waa ay ka hadlayaan SNM-ta iska daa inta kuwii asaasay wax ka sii nool yihiin oo hadda aynu joogno ah. Marka waxan ku talin lahaa inaan la inaga xigsan SNM-ta.”

Shirkii waa la soo gebegebeeyey ra’yi urursi ayuu ahaa sidaas ayuu ku dhammaaday. Waqti ka dib markii uu ii magcaabay Cigaal inaan noqdo Guddoomiyihii Guddiga Qabanbaabada iyo Yagleelka Ururkii UDUB ayaan ku guulaystay in Shirweynihii ururka uu Shirguddoonka ka mid noqdo oo uu soo fadhiisto isaga oo biladii UDUB sita, Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sheekh Madar Guddoomiyihii Dib-u-habaynta iyo Guddoomiyhii hore ee SNM-tu, halkaas ayuu ku go’ay hadal Dib-u-habayntu. Ayaan-darro, markii Marxuun Cigaal dhintay,dadkii xisbiga dhisayna laga eryey, qaarna iskaga tageen oo dad cusub iyo kuwa diidanaa oo waxba ka ogayni dhismihiisa ay qabsadeen ayuu galbaday.

Madaxdii SNM-ta inta xukuumadda gasha mooyee inta kale waxay u xuubsiibataa mucaaradnimo, sida Ururkii ASAD, KULMIYE, QARAN, UDHIS, iyo hadda oo Golaha Wadatashiga lagu dhawaaqay Waa dhismi kari waayeen ururro ama xisbiyo mucaarid ah oo aanay Madaxdii hore ee SNM-tu hoggaanka u hayn.

Waxa halkaas ka cad inaan ku jirno Boqolka sanno iyo SNM ciddii xukunka Somaliland qabata, waxa hor yaal qodabkaas iyo siday u maareeyan lahaayeen ayaay hawshiisu sugaysaa. Halgan kale oo dadka laga iibsho oo qaranimo ah oo aan SNM-ta iyo dadkii ka qaybgalay ahayn ma jiro. Waa mucaaradda ka soo jeeda xubnihii madaxda ka ahaa SNM-tu waxay dayr adag uga noqotay Somaliland afkaaraha xag-jirka ka soo jeeda Soomaaliya. Ururradii samaysmay waxa markii ka muuqanaya sawir beelood ilaa hadda waxa uun dadka isu keenayaa sawirkaas SNM-ta ee hore dad badan u mideeyey.

Qeybtii 3aad

11kii September sannadkii 2001dii oo ahayd maalin dunida gilgishay, iyada oo qofba meel ku qabsatay iyo si ugu dhacday, waxaan markaa ahaa Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ayaa waxa aan degganaa guri ka kooban laba qol ku yaalla sekedda xagga bari kaga soo jeedda Jeelka Weyn ee Hargeysa oo ay Reerku leeyaha.

Gurigaas waxaan ku jiray lixdii sanno ee aan Wasiirka ka ahaa Dawladihii kala dambeeyey ee Madaxweynayaasha Marxuun Cigaal iyo Daahir Rayaale, aniga oo ku qaabil jiray cid kasta, Gaalo iyo Muslimba martabadiisu waxay doonto ha ahaatee. Arrintani axay cadayn jirtay in waddankani uu sabool yahay oo aanu u awoodi karin Wasiirradiisa intan wax ka badan awoodi karaan, illeyn ma aha inaad naftaad been u sheegtid oo iska yeelyeeshid waxaanad ahayn.

Haddaba, waxa maalintaas ilaa joogay oo fadhiga igu weheliyey Madaxii Hay’ad UNDP ee Waddankii Somalia oo iyaga Somaliland-na uga mid tahay. Ninkaas oo Mareykan ahaa iyo nin Soomaali ah oo la shaqeeynay. Goor ay galabtii ahayd ayaa tilifoon igu soo dhacay. Waa Wasiirkii Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Cisman Fadal oo qaylinayaa oo leh oo war Tv-ga fur, nalku ma kuu joogaa? Waqtigaas nalku cidhiidh ayuu ahaa oo ma wada gaadhin magaalada.

Tv-gii baan u huladay, markaan daaray CNN-tii mise waa diyaaradii labaad oo gelaysa fooqii labaad ee mataanaha ahaa ee ku yeellay magaalada New York ee Cariga Maraykanka. Af-kala-qaad ayey noqotay, ninkii Maraykanka ahaa waxa ka soo hadhay amakaag iyo argagax. Markay halkaas maraysay ayaan gaadhigiisii u dalbay oo askari ku daray ilaa hudeelkiisii oo Maansoor ahaa.

Arrintaasi markii ay dhacday, ayaa sida lala wada socdo Waddanadii Reer Galbeedku bilaabeen dagaalka ka soo horjeeda waxay ku tilmaameen Argagixisada, taas oo saamaysay dadka Muslimka ah oo qofkasta oo Muslin ahba loo arkay Argagixiso, waxayna kor u kicisay oo kordhisay dadka aaminsan Jihaadka lala gelayo Gaalada meel kasta oo ay joogaan.

Waxa raadaarka Mareykanka soo gashay Waddankii Jamhuuriyadda Soomaliya la odhan jiray oo aan dawlad la ictiraafsan yahay ka jirin, waxay markaas u arkeen inay noqon karto Afghanistan oo kale, haseyeeshee Khawaajiyaasha iska dhiga inay Soomaalida yaqaaniin ee wax ka qora Soomalida iyo kuwa ku dayda ee Soomaalida ihi waxay wada qoreen in dadka Soomaalida loogu baqin inay ka samaysanto koox sida Taalibaanta Afghanistan oo kale ah.

Waayo, sida ay ku doodeen Soomaalidu waxay haystaan Islaamka Suufiyadu oo xoog ku leh, taas oo aqoon-darro weyn ahayd oo ay u leeyihiin Soomaalida iyo taariikhda fikarka Islaamka. Tiraba laba waqti ayaa Falsafada Jihaadka iyo Salafiyadu ama asal-raaco ku xoogaysteen carriga Soomaalidu degto.
1. Midi waxay Kacdoonkii Daraawiishtii ee uu Hoggaamiyaha u ahaa Maxamed Cabdulle Xasan (1900 – 1921), taas oo marka ay dagaalka gelayaan ay ku dhawaaqi jireen “Aabaw na Jahaadi
2. Waxay ka tisqaaday magaaladda Baardere qarangii 19aad. Sidaas oo kale ayaa ka dhacday dalal badan oo Muslim ah, dal kasta oo Muslim ahna waa ay ka dhici karta cidna uma gaar aha, marka laga tegiwaayo meelaha faqrigu ku badan yahay gaar ahaan.

Waxa Dawladda Mareykanku xayirtay lacagihii ay lahaayeen Hay’ado badan oo samafalka ahaa ee magaca Islaamiga watay iyo xawaaladdo. Waxa xagga Soomaalida la tilmaamay oo xayiraad la saaray lacagteedii Xawaaladdii Barakaat.

Sida ku caan ah siyaasadda dunida ee Reer Galbeedku ka taliyo, dawladihii oo dhammi waxay wada qaadeen tubtii Mareykanku qaaday, cid walibana waxay is-tidhi yaanu Mareykanu ku qabsan ee raac. Waxa jirtay in Xawaaladda Barakaat iyo Tililefoonkeedu uu waqtigaas si xawli ah uga hirgalay Somaliland uu Marxuun Cigaal keenay Shirkii Golaha Wasiirrada arrinta Barakaat waxa laga yeelayo iyo in Mareykankii xayiraad saaray.

Doodii waad garan karta waxa ay isugu biyo-shubatay, in la xidho iyada oo loo arkaayey in Sharkadda Barakaat ka soo jeedo Soomaaliya, aniga oo ku darsaday doodii hadalkan; “Madaxweyne, Xawaaladdii mar hore ayey xidhantay, markii lacagtii laga xayiray ayey darteed isaga xidhantay, haseyeeshee Mareykanku ma soo qaadin oo wax kama sheegin talifoonka shirkada. Waxa kale oo xusid mudan waxa shirkadan wata qoladii Garxajis ee ay dawladda isqabteen haddana la heshiiyey, taasna xisaabta ha lagu daro.”

Marxuun Cigaal waxa uu ahaa nin dhaqanyaqaan ah oo Siyaasadda Bulshada Soomaaliyeed 50 sanno ku jiray, warkaygii ayaa dubuq yidhi, markaas ayuu soo gebegebeeyey doodii oo yidhi; “Waxba lagama sheegin telefoonka waa uu furnaanayaa.” Illaahay ha ka raali ahaado Marxuunku waxa uu oggolaa in la wada casheeyo ee aan cid gaar ihi keligeede cashayn.

Markii geeridii ku qabsatay magaalada Pretoria – South Africa, khadka qudha ee noo baxay si aan dalka ula soo xidhiidhno waxa uu ahaa khadka Telesom. Sidaas ayey ku badbaaday Telesom oo maanta la wada yaqaan kaalinta ay kaga jirto horomarka dalka. Anigu Telesom saami (share) kuma lahayn wax kalena nagama dhexayn, waxan uga hiiliyey oo aan uga dan lahaa bulsho wanaag iyo nabadgelyada Somaliland.

Qeybtii 4aad

Waddada aan Gurigayga u maro, marka ay galabtii tahay ee aan lugaynayo, waxa aan soo ag maraa guri dharaar iyo waayaheed i xusuusiya. Guriga waxa ku jirta Hay’adda UNDP, waxana iska leh hadda ilma Cismaan Geelle. Gurigan waxa agtiisa ah guri yar oo dawladdu leedahay oo aan muuqan. Dhulka guriga weyn laga dhisay waxa laga iibshay Marxuun Cismaan Geelle, waxa uuse ahaa daaradii guriga dawladda.
Haddaba, markuu Marxuun Cismaan Geelle doonay inuu jeexdo oo dhiso, ayaa shaqaale geliyey Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu Wasiir ka ahaa Injneer Yuusuf Caynab u tageen oo uu ka joojiyey dhismihii oo meeshii boolis geeyeen.

Eng. Yuusuf Caynab waxa uu ka mid ahaa Wasiirrada uu Madaxweyne Cigaal ku dhaadan jiray, waa Wasiirkii hirgeliyey mashruuca dib-u-dhiska buundooyinkii go’naa ee wadda Gabiilay ilaa Caynabo isku xidha ku yiillay. Mashruucaas oo ay maal-gelisay Midawga Yurub, markay ku qanaceen xilkasnimadii uu lahaa Wasiir Caynab. Wixii intaa ka dambeeyey Wasiir Caynab Midawga Yurub waa ay ka baxday dib-u-dhiska wadooyinka markay ku qanciwayday maamulkooda.

Sidoo kale, Wasiir Caynab waa ninka guryaha dawladda wada diiwangeliyey oo ku soo rogay dadka ku jiraa inay kiro bixiyaan, balse wixii intaa ka dembeeyey Wasiirradii Wasaaradda uga maamulkeeda gacanta ku qabtay waxay ku caan noqdeen iibinta Guryaha Dawladda iyo dhulka bannaan ee Shacabka. Injineer Yuusuf Caynab hadda xannuun ayuu la jiifaa oo aan cidina ka war hayn.

Aan ku soo noqdo dulucda ujeeddadayda’e, shirkii Golaha Wasiirrada ayuu Madaxweyne Cigaal ku soo bandhigay arrintii dhulka Gurigaas uu dhisanayey Marxuun Cismaan Geelle, oo uu sheegay in meeshii ay galeen laba Suldaan oo hubaysani, Booliskiina uu isaga yimid. Madaxweyne Cigaal waxa uu arrintaas u xilsaaray xubno Wasiirro ah oo ka soo jeeda beelaha Arab iyo Garxajis, si ay xal uga keenaan hawsha lagu furdaamiyo.

Shirkii Golaha Wasiirada ee toddobaadkii dambe, ayuu Madaxweyne Cigaal ku furay warraysiga Wasiirradii uu arrinta furdaaminta gurigaas u xilsaaray. Wasiirradii waxay ka warrameen kulankii ay la qaateen labada Suldaan iyo hadalkii dhexmaray oo aan wax-soo-jeedin xal ihi wehelin.

Madaxweyne Cigaal waxa uu ku yidhi Wasiirradii; “Waxan idiin diray inaad xal ii keentaan ee waxba ii maydaan keenin.” Waxa caddaatay in Wasiirradii labadii dhinacba ay ka cabsoodeen dhinacii Salaadiinta iyo dhinacii Madaxweynaha, dabadeedto ay ku adkaatay inay xal gaadhaan iyaga oo eed ka carar ah.

Markaas ayaan farta taagay oo aan ku idhi; “Madaxweyne, wixii dawladdii lahayd ee Caasimada ku yiil reer Hargeysa looguma iman, qoladayadii reer Bari iyo Galbeed waxba nagama soo gaadhin ee waxay ahayd sida aan xukunka u qaybsanay inaynu guryahana u qaybsano ee reer Hargeysa ayaa isku koobtay.
Haseyeeshee, arrintan waxa ay ila tahay in xukuumaddu aanay labada Suldaan ku qabsan Balloodh, innaga oo wax ka weyn ka filayna inay inala qabtaan. Waxse lagama maarmaan ciddii dulka bixisay ee dawladda ka tirsanayd in lala xisaabtamo.”

Markaan hadalkii dhameeyey ayaa Madaxweyne Cigaal taladii igu raacay oo yidhi; “Laba Suldaan oo aan wax weyn ka filayno ku qabsanmayno Balloodh.” Sidaas ayaa Marxuun Cismaan Geelle ku dhistay gurigan aan ag maro galabtii, kaas oo aan ku xusuusto dhacdadaas.

Waxa golaha Wasiirrada ka mid ahaa Mudane Marxuun Cali Asad oo ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo maalintaasna shirka fadhiyey. Marxuun Cali Asad markuu Maayarka Magaalada Hargeysa ahaa ayuu mindhaa dhulkan bixiyey, mase aanan ogayn markii aan hadlayey, balse waxaan mar dambe ku war helay in Madaxweyne Cigaal uu xilkii ka qaaday.




Qeybtii 5aad

12-kii bishii feebarweri, sannadkii 1991, ayaan ka soo degay Garoonka Joomo Keeniyaate ee Magaalada Nairobi anigoo diyaarad yar ka soo raacay Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, garoonkaas oo lagu dhisay deeq uu bixiyey marxuun Qadaafigii Liibiya. Labada Garoon iyo Kii Muqdishoba wararka toddobaadkan ayey ku jireen, mid la isku haysto, mid diyaaradi ku shufbeeshay oo gubatay iyo ka saddexaad oo dab ka kacay qayb dhan uu sahayday.

1968dii Garoonka Muqdisho waxa ku bas-beeshay diyaarad Hargeysa ka soo duushay oo Soomali Airline lahayd oo reer dhan carruurtoodii ku dhimatay, gaadhigii dab-demiska biyo ayaa laga waayey markii uu diyaaradii oo holcaysa agyimid.

Iminka waatan la furay Garoonkii Hargeysa oo dib loo casriyeeyey kii Berber-na dhawaan ayaa la dhammaynayaa, waa horumar weyn. Hase yeeshee ma la hubaa in garoomadeena dab-damis iyo shaqaale tababaran oo lagu tijaabiyey hawsha ay  joogaan, mise waa sheekadii  Soomaalida  qawda maqashii waxna ha u qaban.

Waxa la sheegay in Garoonka Nairoobi loo waayey dab-demis bakhtiiya oo Magaalada Nairobi oo dhami aanay lahay baabuurta dab-demiska, kuwii u soo gurmaday waxa lahaa shirkado gaar loo leeyahay. Waa wada Hargeysa Afriki waxba isma dhaanto dhinaca adeegga bulshada.

Waxa aan la soo qaxay todoba carruur ah iyo hooyadood oo diyaaradda igu weheliya. Waxa kale oo aan wada soconay Mudane Axmed Xaaji Cali Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ee hadda iyo Injiir Maxamed Ciise Cabdi oo Xiirane lagu nanayso. Labduba shirkii dib-u-heshiinta iyo gooni-isu-taagga Somaliland ee Burco ayey ka qaybgaleen markii dambe. Haddaba markii aan soo galnay hoolkii taraansitka ayaanu horta doonanay cabitaan.  Dhalo Kooke ah oo qabaw ayaa qof weliba is raaciyey, tii uu ka maahmaahay Kornayl Ciise Curaagte. Markaan qabownay ayaan u baahanay fiisihii aan ku gali lahayn dalkan Keeniya. Waxaan waraystay mid dhar cadda garoonka ahaa oo nagu ag wareegay, cidda madaxa ka ah laanta socdaalka garoonka iyo xafiiskiisa. Markuu na tusay ninkii xafiiskiisii ee uu noo sheegay magaciisii ayaan xafiiskii ugu tegay oo dhawr boqol oo doollar ku jebiyey oo u dhiibay baasabooradii oo dhan. Deeto waxa uu noogu dhuftay fiisihi, sidaas ayaanu ku galnay magaaladii Nayroobi.

Waxan dhacdadaas soo xasuustay mar Madaxweyne Cigaal uu Golaha Wasiirrada kaga warramay ku-dhaqanka hawl-fududayntu halka ay ka gaadhay dalka keeniya. Waxa uu sheegay inuu warqad u dhiibay Ralia Odinga si uu u gaadhsiiyo Madaxweyne Arab Mooy. Ralia  Odinga ayaa warqaddii gaadhsiiyey Madaxweyne Arab  Mooy, dabeeto markiiba Hargeysa ayuu u  soo duulay. Waxa Madaxweyne Cigaal yidhi, “Waakaas oo durba waxa uu doonayaa khidmadii, horena Ambaasadoor Cawil  Xaaji Cali Ducaale oo markaas ahaa Wakiilka Somaliland ee Keeniya ayaan wax ugu dhiibay.” Waqtigaas Ralia Odinga xil ma hayn, mar dambe ayuu xil qabtay oo Wasiirka Koobaad ka noqday dalkaas.

Afrikada aan ictiraafka ka doonaynaa waa kuwaa, qolada reer galbeedkuna laaluush cilmiyeysan oo la siiyo mukhalisiin loo bixiyey “lobby group” ayey leeyihiin. Madaxweyne Cigaal waa fahamsanaa inuu ictiraafku kharash ku xidhan yahay, Madaxweyne Daahir Rayaale-na waxa uu arrintan garwaaqsaday markii  uu Afrikada Galbeed tegay ee la baayaca; markaas ka dib ciddii la kulanta waxa uu ku odhan jiray “waa ogahay halka loo marayo ictiraafka.” Ayaan-darro tamar ayuu u waayey.

Sidaas darteed meelahaas oo shandad madhan lala cararaa oo laga murmaa waxba soo hoyn mayso. Waa in dhaqaale loo huraa ictiraaf-raadinta oo cashuur boqolkiiba labo (2% ) loo qoondeeya sidii Goballada Bari loogu sharciyeeyey. Dhaqaalahaas oo toos ay u maamusho Wasaaradda Arrimaha Dibaddu oo ay u madaxbanaan tahay. Sidaas ayuun baa lagaga midho-dhalin karaa ictiraafka la raadinayo, wixii kaleba waa gacma daalis.

Wasiirkan cusubna waa diblumaasi Jimciyadda Quruumaha ka tirsanaan jiray ma soo shaqo tegin sida qurbo-joog badan, markii uu doono degdeg ayuu shaqo uga heli karaa Jimciyadda Qaruumaha oo waa nin la jitaabiyey. Sidaas darteed yaan lagu lugaynin findhicilkii yaraa ee miisaniyadda ahaa ee loo qoondayn jiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Haddii kale waxay sheekadeenu noqonaysaa qofkii dumarka ahayd ee wadaadka shillinka siisay ee tidhi ‘iigu ducee inaan wiil dhalo,’ ee wadaadkii intuu shilinkii hoos u eegay yidhi ‘wallee shilin baanad wiil cad ku dhalin;’ hadda findhicilkii miisaaniyadda wallee ictiraaf laguma helo.

Qeybtii 6aad

Richard Burton, dalmare Ingiriis ah oo Qarnigii 19aad booqasho ku yimid Soomaaliland oo socdaal ku maray Saylac ilaa Harar ilaa Berbera,isaga oo sheeganaya Sheekh Cabdulla ayaa  Berbera lagu dhaawacay markii la ogaaday inuu gaal yahay ee aanu muslin ahayn. Af Carabiga ayuu aad u yiqiin oo waxa uu Afka Ingiriiska u tarjumay sheekooyinka Carabiga ahaa ee Kun Habeen Iyo Habeen,taas ayaa u suurtagelisay inuu Sheekh Cabdalla sheegto. Waxay sheeko aan la hubinin tiraahdaa , nin sheekh ah oo indhoole ah ayuu Berbera ku gacan qaaday ,Sheekhii ayaa yidhi waar gacantani mid Muslim ma aha ee ha la baadho . Sidaas ayaa lagu ogaaday oo deeto la doonay in la dilo ,waase ka badbaaday isaga oo dhaawac ah.

Waxa uu qoray Buugga uu u bixiyey ” First Footsteps in East Africa”, kaas oo uu kaga sheekaynayo wixii uu socdaalkiisa Carriga Soomaalida kala kulmay. Waxa aan ka soo qaadanayaa laba arrimood oo ku sheegay Soomaalida kuwaas oo kala ah: In Soomaalidu tahay dad isqabad iyo muran badan , oo weliba  baryo badan oo Carabtu dalkood u bixisay Bilaad Wax-isii.Labadii arrimoodba weli waa wadanaa.

Hadda beryahan waxa lagu muransan yahay wadahadlkii Soomaaliland iyo Soomaalia ee dhawrka jeer lagu kulmay marar kala duwan wadamada Boqortooyada Midawday , Turkiga , Iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.Muruq laba suule ,ninba si ku ah ayey Soomaalidu tidhaahdaa.Labada dhinc (waa Soomaaliland iyo Soomaaliya )midba si ayey ugu fasirtaa dadweynaheeda inkasta heshiisyada la soo wada saaray uu yahay mid qudha . Qolada Soomaliya waxay tidhaahdaa waa soo wadnaa Soomaaliland inay ku soo noqoto midawgii. Qolada Soomaalilandna waxay tidhaahdaa waan soo dhicinaynaa aqoonsigii gooni-isu-taagga Soomaaliland.Cajab ninbaa yidhi  ma aniga ayaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa , markuu maqlay Soomaali Cadan-weyn ka botarinaysa.Arrintaas oo uu liqi kariwaayey.

Bishii Abriil 24keedii ,Sanadkii 2002 ,markii Marxuun Cigaal loo qaaday Wadanka Koonfur Afrika ayaa diyaaradii nala sii fadhiisatay magaalada Daarasalaam ee caasimada dalka Tansaaniya,si ay shidaal uga qaadato . Haddaba intii diyaaradda shidaalka lagu shubayey ayaanu  yara fadhiisanay Qolkii VIPdii oo qaboojiye ku jiray ,maagaalada oo xeeb ahayd  oo kululayd awgeed. Waxa gidaarka sudhnaa sawirkii Neereeri kas oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee  dalkaasi markuu  gobanimada qaatay .Marxuun Cigaal oo ay is yiqiineen ayaa qoslay oo farta ku fiiqay oo yidhi habaarqabe. Waxa uu markaas ka sheekeeyey arrin soo kala dhexmartay. Waxa uu yidhi waxa uu noo qaqbtay shir wadahadal aniga oo markaas ahaa Raiisalwasaaraha  Jamhuuriyadii Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii Keeniya ee markaasi  Joomo Keeniyaata (waa madaxweynaha Keeniya ee hadda Uhuru Keeniyaata aabihii, inagu  Cigaal inankiisa maynaan dooran!!) ,deeto intuu iskaaya horfadhiisiyey ayuu yidhi waakaase wada hadal  . Waa isku qaadqaadnay ,cid na kala qabtaana ma jirin oo Neereeri waa noo aamusay. Waxba islama aan gaadhin ilaayn  cidi nama dhexdhexaadinayn eh.

Sida aan dad ka maqlay labda wefdi ee Soomaliland iyo Soomaaliya marka ay kulmaan waa la isaga tagaa deeto waa isku qaadqaadaan oo cidina ma dhexdhexaadiso. Sidaas ayey arrintu ku dhamaataa. Arrinta wadahadalka labada dhinac waxay ka soo yeedhay shirkii Landhan ,warqad murtiyeedii ka soo baxday ,hase yeeshee mar qudha ayey Dawladda Baqortooyadav Midawday martigelisay wada hadalka ,ka dibna faryaro bidix ayey ka baxday . Faryaro bidix waxa laga soo qaatay marka Jiniga qofka laga furdaaminayo ee qiiqa  lagu shido ee neeftu qabato ayuu jinigu yiraahdaa waa ka baxayaa , xagee ayaa la dhehaa? , waxa uu yiraahdaa faryaro bidix. Tolow maxa ay u doorteen faryarada bidix? Waxba ma qabto ayaan u maleeyey.

Waxa la wareegay sheekadii Dawladda Turkiga , waxa soo dhexgashay haddana  dawladda Imaraadka carabta hal mar keliya .Haddana Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay .Saddexdaa Dawladood yaa ka codsaday in la wada hadalsiiyo labada dhinac, oo codsigu ka yimid . Ma Soomaaliland mise Soomaaliya? Qolna inooma sheegin . Hase yeeshee haddii aan soo dheegto xog ogaalnimo hore  mar aan ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliland sanaddadii (2002-2003).Ayaa martiqaad waxa noo fidisay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Koonfur Afrika( Mrs Zuma oo hadda ah ,Xoghayaha Midawga Afrika, oo  marna ahayd Marwadii Madaxweynaha Konfur Afrika ee hadda Mr Zuma.) . Waqtigaas xidhiidh xoogan ayaa   Soomaaliland la waday Konfurta Afrika . Waxay marwo Zuma noo sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo waqtigaas ahaa Yuusf Dheeg uu ka codsaday in Dawladda Konfur Afrika wada hadalsiiso Soomaaliland. Dawladaha , Boqortooyada Midawday , Turkiga , Imaaraadka Carabtab intaba waxa la xiriiratay Dawladii Shariif Axmed ee Soomaaliya oo ku beerlaxawsatay inay Soomaalilaand u soo xerageliyaan .Dawladdan  cusubina   halkii ayey ka sii waday.Haddii ay sidaasi tahay oo codsigu ka yimid dhinacaas ,marka dawladahaasi oo dhami waxay ku taageerayaan( maadaam ay ictiraafsan yihiin Dawladda Soomaaliya) Soomaaliya sidii Soomaaliland loogu qanci lahaa ku soo noqoshada midawgii Soomaaliya.Marka ujeeddada qabashada wadahadalka sida dawladda Soomaaliya sheegaynayso ayaa u eg mid u dhaw oo ay ka warhayaan dawladaha martigeliyaa. Garoonka kubadda lagu ciyaaro qoloba garoonkooga ayaa mar lagu ciyaaraa,ee ma haysanaa garoon aynu leenahay oo dheesha aan mar keeno?

Wadahadalku ma xuma oo dadku hadalka ayey xayawaanka dheer yihiin. Waxa la sheegay in laba dadyaw waqti hore ay ku kulmeen Dhulwaynaha Yurub. Kuwa Afrika ka tegay iyo kuwa Yurub joogay . Waxa la ogaaday in kuwii Yurub loogu tegay ay dabar go’een. Kuwii Afrika ka tegay ayaa adkaaday oo dadka yurub hadda ku nooli ka soo  tafiirmeen. Waxa sababta loo aaneeyey ,in kuwa Afrika ka tegay ay wada hadli jireen ,kuwa Yurub loogu tegay aanay hadalka ama af la isku afgarto aanay lahayn oo sidaas darted lagaga adkaaday noloshii oo ay galbadeen.

Yuhuudii iyo Falasdiiniyiintii ayaa wada hadlaya , labadii Kuuriya ayaa wada hadlayaa , sidaa darted Soomaaliya iyo Soomaalilandna waa wada hadli karaan.Waxa uun ka maqan cid itaal leh oo hogaaminaysa wadahadalka oo dan ka leh Mandaqadan. Konfurta Soodaan waxay ku timid wadahadal ay dabdda ka riixayeen Dawladaha reer Galbeedka ee Kiristaanka ah kuwaas oo ka hiiliyey Soodaanta Muslinka ah. Inagu wada Muslin ayaan nahay. Dawladaha Muslinka ihi laguma yaqaan u kalmaynta xuquuqaha aadamiga ah ,. Waxay hadal kuugu soo horaysiinayaan wada jooga muslinka quwadiisa ha qaybinina waa hadda meel lagu hoobtay oo mar hore goraygii ka hadaafay lagu kala tegay. Marka horena waxba kama qabtaan dhibaatada. Haddaba Tuki oo dadka Kurdiyiinta ah xuquudooda u diiday  una hanjabay haddii Kudiga Ciraaq Dawalad madaxbanaan ku dhawaaqaan inuu qabsanayo oo aanu oglayn ;maxay soo waddaa oo wadahadalka ku kordinaysaa. ? Dee waxba..Eriteriya iyo Itoobiya waa isfahmay labadii Jabhadood ee Dawladdii Mengisto ka adkaaday ,deeto  waxay isla ogolaaday inay iska kala faataxaystaan oo iska kala tagaan,. Ma dhici kartaa labadii jabhadood  SNM IYO USC ee Dawladii  Siyaad Bare ka adkaaday inay sidaas oo kale isu afgartaan iyada oo waddan saddexaad loo baahan ? Ma suurtageli kartaa in qolada Ayuha Naastu inay u yara faqdayso,layn ood jiidis iyo qaadis waa isla gurigeyn eh? Waa su’aalo furan. Waxa loo baahan yahay in la raadiyo dal Ayaa-Ka tashiga , iyo xuquuqda adaamiga rumaysan oo dano siyaasadeed ka lahayn Soomalida, inay ina dhexdhexaadiyaan . Waxa laga heli karaa dalalka Waqooyiga Yurub ee lagu magcaabo Dalalka Iskandaniifiya ( Sweden, Norway,Denmark,Finland).

Qeybtii 7aad

Aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta iyo Isku dubariddida ee Jamhuuriyadda Soomaaliland sanadadii (1997—1999) ayaa arooryo si lama filaan ah Madaxweyne Cigaal iigu yeedhay oo yidhi “ Geesaw bal galabta ii keen wixii odayaal Warsangli magaalada jooga aan la sheekaystee”. Galabtii ayaan ilaa toban oday oo kuwii ganacsada ahaan jray oo hadda magaalada iska joogaa oo aan wax hayn, ayaan ugu keenay madaxtooyada oo fadhi loogu diyaariyey. Halkii ayaa Berbera iyo waayo laga sheekaystay . Waxa ku jiray rag garanaayay Xaaji Ibraahim Cigaaln oo la ganacsan jiray , waa (ina Xaadhxaadhato) Madaxweynaha aabihii.

Cigaal ayaa sheekayey oo yidhi ,waxa war ii keenay wardoonka oo yidhi nin Hawiye ah ayaa bakhaar ka furtay magaaladan Hargeysa , ninkaasi oo iibsadaa hubka.Qolada warka ii kentay waxa ay u arkayeen in ay arrin dhiilo ah tahay . Aniguse waxa aan ku idhi waa war yididiilo leh. Hawiye maahe waxan jeclaan lahaa in Hindi iyo Carabiba ay meherado ka furato Hargeysa ,taas oo yididiilo u ah nabadda dalku gaadhay. Dhinaca iibsashada hubka waxan ka iri waar ka iibsha ka dawladana ,qorigii inaka tagaaba ,waa nabad inoo soo korodhay. Kaaf iyo kala dheeri aragtidaas iyo madaxa Soomaaliya ee meel walba u tegay cunqabtaynta hubka ha nagala qaado ee hubka cusub raadsanaysa.

Waxa culumada cilmi naftu( Psychologists) xaqiijiyeen ,in haddii qorigu kaa ag dhaw yahay ,isticmaalkiisuna waa fudud yahay . Waxay si farshaxanleh u sheegeen ,farta ayaa keebka jiidda marka la ridayo qoriga hadda keebkuna farta waa uu soo jiitaa markiisa oo qorigu wuu isridaa. Beryahan dambe wax magaalada ku soo badanaya dilal toogasho ah ,tolaw ma qorigii ayaa dib la inoo ku soo celiyey.

Waxa aan xusuustaa, markii sanadkii 1993 ,anaga oo ergo ah aan tegnay magaaladii Ceerigaabo oo Beelihii Hartigu ka maqan yihiin , ayaanu aragnay ragii oo budh wada sita. Markii aan weydiinay qoladii Musa Ismaaciil ( Habar Yoonis ) sabata ku kaliftay qaadashada waxan oo budh ah oo weliba ay jiraan dukaamo lagu iibiyo budhaadhku .Waxay noogu jawaabeen: Markii aanu ku kelyaaysanay magaaladii qorgii waxa uu nagu noqday dhibaato . Labadii isqabtaaba kaw ,xabad ayaa la isku dhiftay . Dilkii ayaa batay ,waxa aan doorbidnay in la isbudheeyo oo an la istoogaan oo qorigii ayaan iska fogeynay. Sidaas ayaa budhadhku u bateen oo hadda waa isbudhaynaa!!. Arrin macquul ah ayey u ekaatay oo Cilmiga psychologyga la socota..


Haddii aan ku soo noqono fadhigii Marxuun Cigaal iyo odayaashi Warsangeli. Waxa dhacday in oday ka mid ahaa odayaashu, uu Madaxweyne Cigaal u sheegay inuu Hargeysav ku lahaa
warshad saabuuunta samaysa . Warshaddii burburkii ay raaacday oo waa la fadhataystay. Gidaaradii ayuunbaa ka hadhay . Hase yeeshee meeshii cidbaa haysataa . Maxkamadihii oo dhami aniga ayey ii xukumeen oo waraaqihii haysta,ayuu yidhi. Isla markaas ayuu fayl Marxuun Cigaal u dhiibay. Cigaal faylkii ayuu aad u akhriyey ,deeto waxa uu yidhi ,” Dee arrintani waa dhan tahay ee maxaa jir?” Odaygii waxa uu yidhii “ waa dhan tahay ,waxa dhiman fulintii, markii aan u tegay taliyihii qaybta booliska ee lahaa inuu fuliyo go’anka maxkamada,waxa uu igu yidhi nin reer Sheekh Isaxaaq ciidan ku saarimaayo.” Cigaal intuu cadhooday ayuu ku dhawaaqay “ Aabahaa iyo reer sheikh Isaxaaq wa— war ma ku caddaynaysaa?“, Odaygii waa iska aamusay sarkaalkaas oo xidid ila ahaa darted.Madaxweyne cigaal talefoon ayuu qabsaday oo amar bixiyey odhanaya afar iyo labaatan saacadood gudahood waa in la fuliyaa go’anka maxkamadda , saac saacdna ha la iila socodsiiyo ,halka xaal marayo. Aroortii markii meeshii ciidan xoogan oo cagafcagfyo wata la geeyey ,ayaa qoladii haysatay ergo soo dirtay oo tidhi si nabadgelyo ah ayaan ugu guuraynaa. Sidaad ayaa odaygii dulkii ku helay oo mar dambe lacag badan kaga iibiyey Dahabbshiil. Arrimahaas iyo qaar kale oo la mid ah ayaa keenay kalsoonida ay Soomaliland ku hanaqaaday.

4 comments:

  1. illaahay ha kaa abaal mariyo , waxaanan aad u jeclaystay qoraalka quruxda badan ee taariikhda iyo cilmigaba leh

    ReplyDelete
  2. Prof Maxamed Siciid, Asalaamu Caleykum
    Salaan Kadib waxaan jeclaan lahaa inaan ku weydiiyo, Tixda aad kasoo qaadatay Raage Ugaas ee ka bilaabata "Waxaan ahay naf tiix saaran iyo tiro sabaanaad'e" Inta aad ka heyso inaad ila wadaagto, fadlan.
    Asalaamu Caleykum

    ReplyDelete
  3. alle cimriga iyo caqligaba ha kuu barakeeyo Prof Maxamed Siciid Gees aad ayaan kuu taageeraa waanan xiiseeyaa akhrinta qoraaladaada waanad ku mahadsan tahay sidaad noogu soo gudbiso taariikh iyo dhacdooyin aanaanu goobjoog u ahayn naguna adkaan lahayd helidodu la'aantaa waxan jeclaan lahayn inaad buug nooga samayso si jiilkan iyo jiilalka danbeba ay ugu noqoto wax ay dhaxlaan kuna munaafacaad sadaan. mahadsanid alle ha kaa abaal mariyo

    ReplyDelete
    Replies
    1. Gees Waa nin abaal Badan ku leh Qaranka somaliland
      Illaahay ha Xafido

      Delete