Maxamed Siciid Gees – Hargeysa
Xasanow xoolo
dhaqasho iyo markaad xillo ka weynaatid
Saw dharaaro tegay
xasuustood dib uma soo xigati
Qeybtii 1aad
Sannadkii 1999 aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta Qaranka
Somaliland ee Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa
Madaxweynuhu Digreeto soo saaray uu ku magcaabayo jaggadii Guddoomiyihii
Guddiga Caddaaladda, Wasiirkii Caddaaladda, Dastuurkuna waxa uu dhigayaa in Guddomiyaha
Maxkamadda Sare uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda.
Haddaba, aniga oo ka mid ahaa Guddigii isku daray labadii
nuqul ee Dastuurka Qaranka ee midna uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa ee
Dr. Khaliil oo markii dambe madax ka noqday aftidii laga qaaday Soodaanta
Konfureed ee ay waddanka cusub ku noqotay iyo nuqulkii uu samayey Guddigii uu u
xil-saaray Golaha Wakiilladu. Markii aanu arrintaas ka doodaynay, waxa qoraal
noo soo diray Guddoomiyihii Maxakamad Sare oo ahaa nin aqoon sharci leh oo qoraalkiisa
kaga digay inaan Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaheed aan la gelin Maamulka
Maxkamadaha ee ay ku koobnaadaan Garsoorka oo keliya. Taladiisii lama qaadan.
Haddaba, si cabashada dadwenyuhu ka cabbanayaan
Maxkamadaha uu wax uga qabto ayuu Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
tallaabadaas u qaaday. Arrintii cirka ayey u baxday oo Golihii Wakiilladu oo
ahaa kii ugu xilkasnaa ee ina soo mara oo ay hagayeen Guddoomiyayaal waxgarad
ah sida Mudane Axmed Qaybe iyo Cabdiqaadir Jirde waa ka booday, waxayna ku
eedeyeen xukuumadda gaar ahaan Madaxweynaha inuu Dastuurkii jebiyey.
Guddi ayuu magacaabay Madaxweyne Cigaal oo uu madax ka
ahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaas ahaa Wasiirka
Maaliyadda, si ay Golaha Wakiillada ugala hadlaan arrintan. Waxa arrintii
genafka ku dhuftay oo diiday xitaa inay soo galaan Xarunta Golaha Xildhibaanada
Golaha.
Arrintu markay halkaas gaadhay, ayaa waxa soo dhexgalay
Golaha Guurtida, waxayna soo jeediyeen in la wadahadlo saddexda Gole oo
Guurtidu dhexdhexaadin samayso, iyada oo fadhigii laga dhigay Madaxtooyada:
toban xubnood oo Golaha Wakiilladu soo dirtay iyo Guddigii Wasiirrada ahaa oo
aan ka mid ahaa ee uu Cigaal hore u magacaabay iyo Shirguddoonka Golaha
Guurtida iyo xubno u Xaaji Cabdi Waraabe ka mid yahay.
Waxa kale oo kulanka fadhiyey Madaxweyne Cigaal iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka oo Daahir Rayaale iyo Mudane Axmed Qaybe oo ahaa
Guddomiyaha Golaha Wakiillada. Dooddii waxa furay xubnihii ka socday Wakiillada
oo Guurtidu u martiqaaday oo iskaga daba noqday gefka Dastuuriga ah ee ay
Xukuumaddu u badheedhay. Xukuumadda xubnihii Wasiirrada ahaa iyana difaac ayey
galeen. Shirguddoonkii Guurtida oo lagu yaqaanno weligeed inay xukuumadda iyo
Madaxweynaha taageerto waxay xaajadii ku noqotay af-kala-qaad oo way ku dhici
wayday inay sheegto halka eedu jirto.
Markii hadalkii la isku celceliyey oo Madaxweyne Cigaalna
uu aamusan yahay, ayaan hadalkii u holaday oo aan hadlay. Waxa aan markaas ka
madax ahaa Guddi soo diyaarinaysa wax-ka-beddelka Dastuurka ee xukuumaddu u gudbinayso
Golayaasha intaan aftida loo bandhigin Dastuurka. Nuqulka aanu gacanta ku
haynay waxa la hordhigayey Golaha Wasiirrada oo ka doodayey, dabadeedtana
ansixinayey intaan loo gudbin Golayaasha Baarlamanka.
Xog-ogaalnimadaa awgeed ayaan ku dhiiraday hadalkaygii oo
aan idhi; “Haddii aanu xukuumadda nahay waa ka noqonay qaladkii dhacay, waxa
aanu ka codsanaynaa Golayaasha Baarlamanku inay wax nagala qabtaan
wax-ka-beddelka Dastuurka ee aan soo gudbin doono.” Dadkii ayaa iswada eegay,
Madaxweyne Cigaal yaa isaguna yaabay oo yidhi; “Waar horta qalad maanaan
samayn, hase yeeshee sidaas Gees sheegay waa ka noqonay arrintii.” Dadkii ayaa
neefi ka soo wada booday, khilaafkiina halkaas ayuu ku dhammaaday.
Markii aan gurigii tegay ayaan isla yaab dhiiranaantayda
Madaxweynihii oo fadhiya oo aanan la tashan ayaan awooddiisii ku dhawaaqay, bal
edeb-darradaa day iyo Madaxweyne Cigaal oo arrintii ka xanaaqin ee qaatay, saw
wax lala yaabo ma aha. Xaggee ayey ka dhacdaa? Waxay ahayd sida Afrika iyo
Soomaalida looga bartay inuu bartaas xilka igaga qaado baratakoolka aan
jebiyey, balse waxa uu doorbiday in ay talo sax ah ahayd.
Waxa kale oo iyana jirtay in Madaxweyne Cigaal oo aad
isaga dhawri jiray Wasiirrada ka soo jeeda Beelaha Darafyada ee aan Isaaqa
ahayn, kumana dheerayn jirin xil-ka-qaadidooda, balse waxa uu caydhsan jiray
Wasiirrada Isaaq ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beeshiisa Habar/Awal. Halkaas
waxa kaaga muuqanaysa falsafadiisa waxay ku dhisnayd.
Fogaynta reerkiisa illeyn waa ay ku qasban yihiin inay u
hiiliyaan mar kasta sida Xeerka Qabiilku dhigayo, soo-dhowaynta reeraha kale,
gaar ahaan kuwa aan Isaaq ahayn iyo inuu sadbursiinyo u oggolaado.
Qeybtii 2aad
Markii mucaaradku ku dhawaaqeen dib-u-habaynta SNM, ayaa
Marxuun Madaxweyne Cigaal koox Wasiirro ah oo aan ka sii xasuusto Mudane Axmed
Maxamed (Siilaanyo), Marxuun Maxamuud Saalax (Fagadhe), Axmed Xuseen Oomane,
Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dareewal), Dr. Cabdi Aw Daahir iyo aniga [Maxamed
Siciid Gees], ayuu u soo qoray waraaqo, ku bilaabmaya; ‘Ajandaha shirka waxa
ugu horreeya inaan laga war helin shirkan.’ Shirka oo ka dhacaya Madatooyada
afarta iyo badhka galabnimo. Sidaas ayaa Wasiir waliba isaga oo aan Maradiisa u
sheegin iska daa cid kal oo ayaanu madaxtooyada waqtigii isku wada aragnay.
Madaxweyne Cigaal waxa uu ka hadlay qoladan sheeganaysa
Dib-u-habaynta SNM iyo waxa laga yeelayo, maadama qolayada beelaha darafyada
aanu aqoon fiican u lahayn jabhadda waxa doodii ka hadlay Wasiirradii SNM ahaan
jiray oo uu fadhiyey Guddoomiyihii dhaqdhaqaaqa SNM ee ugu waqtiga dheeraa
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa ay doodoodu u badanayd Golihii
Dhexe ee SNM shir dambe may qabsan intii ka dambaysay ku-dhawaaqiddii
gooni-isu-taagga Somaliland ee Shirweynihii Burco, Guddoomiyaheedii xamar ayuu
qabtay, xubnihii Guddiga Dhexe waa kala tageen, ma jirto cid sheegan karta SNM
jirta hadda. Nimankan sheeganayaa waa xubno ka mid ahaa, kuwa kalena xukuumadda
iyo golayaasha iyo shaqaalaha iyo ciidammada qalabka sida ayey ka mid yihiin
cidna keligeed ma sheegan karto.
Doodii qoladii Sta ahayd halkaas ayey la mareen.
Qoladayadii kale waxa noogu dhiiranaa Maxamuud Saalax Fagadhe oo aqoonyahan
sare ahaa oo hadal cad oo cidna ka xadhig xidhan oo muran badan oo weliba
hirdinta madaxu ka soo horayso, ayaa hadalkii qaatay oo ku tiraabay;
“Madaxweyne, shirkii Boorame ayaa lagu tirtiray wixii xisbi iyo jabhad la odhan
jiray heer beelo ayaa lagu heshiiyey, waa maxay waxan dib loola soo baxay?
Annaguna USP-dii ayaan ku noqonaa miyaa? Marba sheeko miyaa naloo keenayaa
waxba kama jiraan Dib-u-haybanta SNM la sheegayaa.”
Wasiir Fagadhe halkaas ayuu maray jid ayuu u lahaa, hase
yeeshee daw uma aanan arkin. Aniga ayaa u baxay hadalkii oo waxa aan idhi anoo
xiganaya hadalkii Fagadhi; “Madaxweyne dagaalkii Daraawiishta Ina Cabdule Xasan
waxa laga jooga boqol sanno, haddana weli Dhulbahante waa ay ka sii
sheekaynayaan oo gabayadii iyo magacyadii sida khusuusiga ayey weli ku
hadaaqayaan oo may ilaawin, sidaas oo kale Isaaq boqolka sanno ee soo socota
waa ay ka hadlayaan SNM-ta iska daa inta kuwii asaasay wax ka sii nool yihiin
oo hadda aynu joogno ah. Marka waxan ku talin lahaa inaan la inaga xigsan
SNM-ta.”
Shirkii waa la soo gebegebeeyey ra’yi urursi ayuu ahaa
sidaas ayuu ku dhammaaday. Waqti ka dib markii uu ii magcaabay Cigaal inaan
noqdo Guddoomiyihii Guddiga Qabanbaabada iyo Yagleelka Ururkii UDUB ayaan ku
guulaystay in Shirweynihii ururka uu Shirguddoonka ka mid noqdo oo uu soo
fadhiisto isaga oo biladii UDUB sita, Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sheekh Madar
Guddoomiyihii Dib-u-habaynta iyo Guddoomiyhii hore ee SNM-tu, halkaas ayuu ku
go’ay hadal Dib-u-habayntu. Ayaan-darro, markii Marxuun Cigaal dhintay,dadkii
xisbiga dhisayna laga eryey, qaarna iskaga tageen oo dad cusub iyo kuwa
diidanaa oo waxba ka ogayni dhismihiisa ay qabsadeen ayuu galbaday.
Madaxdii SNM-ta inta xukuumadda gasha mooyee inta kale
waxay u xuubsiibataa mucaaradnimo, sida Ururkii ASAD, KULMIYE, QARAN, UDHIS,
iyo hadda oo Golaha Wadatashiga lagu dhawaaqay Waa dhismi kari waayeen ururro
ama xisbiyo mucaarid ah oo aanay Madaxdii hore ee SNM-tu hoggaanka u hayn.
Waxa halkaas ka cad inaan ku jirno Boqolka sanno iyo SNM
ciddii xukunka Somaliland qabata, waxa hor yaal qodabkaas iyo siday u maareeyan
lahaayeen ayaay hawshiisu sugaysaa. Halgan kale oo dadka laga iibsho oo
qaranimo ah oo aan SNM-ta iyo dadkii ka qaybgalay ahayn ma jiro. Waa mucaaradda
ka soo jeeda xubnihii madaxda ka ahaa SNM-tu waxay dayr adag uga noqotay
Somaliland afkaaraha xag-jirka ka soo jeeda Soomaaliya. Ururradii samaysmay
waxa markii ka muuqanaya sawir beelood ilaa hadda waxa uun dadka isu keenayaa
sawirkaas SNM-ta ee hore dad badan u mideeyey.
Qeybtii 3aad
11kii September sannadkii 2001dii oo ahayd maalin dunida gilgishay,
iyada oo qofba meel ku qabsatay iyo si ugu dhacday, waxaan markaa ahaa Wasiirka
Maaliyadda Somaliland, ayaa waxa aan degganaa guri ka kooban laba qol ku yaalla
sekedda xagga bari kaga soo jeedda Jeelka Weyn ee Hargeysa oo ay Reerku
leeyaha.
Gurigaas waxaan ku jiray lixdii
sanno ee aan Wasiirka ka ahaa Dawladihii kala dambeeyey ee Madaxweynayaasha
Marxuun Cigaal iyo Daahir Rayaale, aniga oo ku qaabil jiray cid kasta, Gaalo
iyo Muslimba martabadiisu waxay doonto ha ahaatee. Arrintani axay cadayn jirtay
in waddankani uu sabool yahay oo aanu u awoodi karin Wasiirradiisa intan wax ka
badan awoodi karaan, illeyn ma aha inaad naftaad been u sheegtid oo iska
yeelyeeshid waxaanad ahayn.
Haddaba, waxa maalintaas ilaa
joogay oo fadhiga igu weheliyey Madaxii Hay’ad UNDP ee Waddankii Somalia oo
iyaga Somaliland-na uga mid tahay. Ninkaas oo Mareykan ahaa iyo nin Soomaali ah
oo la shaqeeynay. Goor ay galabtii ahayd ayaa tilifoon igu soo dhacay. Waa
Wasiirkii Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Cisman Fadal oo qaylinayaa oo leh oo
war Tv-ga fur, nalku ma kuu joogaa? Waqtigaas nalku cidhiidh ayuu ahaa oo ma
wada gaadhin magaalada.
Tv-gii baan u huladay, markaan
daaray CNN-tii mise waa diyaaradii labaad oo gelaysa fooqii labaad ee mataanaha
ahaa ee ku yeellay magaalada New York ee Cariga Maraykanka. Af-kala-qaad ayey
noqotay, ninkii Maraykanka ahaa waxa ka soo hadhay amakaag iyo argagax. Markay
halkaas maraysay ayaan gaadhigiisii u dalbay oo askari ku daray ilaa
hudeelkiisii oo Maansoor ahaa.
Arrintaasi markii ay dhacday, ayaa
sida lala wada socdo Waddanadii Reer Galbeedku bilaabeen dagaalka ka soo
horjeeda waxay ku tilmaameen Argagixisada, taas oo saamaysay dadka Muslimka ah
oo qofkasta oo Muslin ahba loo arkay Argagixiso, waxayna kor u kicisay oo kordhisay
dadka aaminsan Jihaadka lala gelayo Gaalada meel kasta oo ay joogaan.
Waxa raadaarka Mareykanka soo
gashay Waddankii Jamhuuriyadda Soomaliya la odhan jiray oo aan dawlad la
ictiraafsan yahay ka jirin, waxay markaas u arkeen inay noqon karto Afghanistan
oo kale, haseyeeshee Khawaajiyaasha iska dhiga inay Soomaalida yaqaaniin ee wax
ka qora Soomalida iyo kuwa ku dayda ee Soomaalida ihi waxay wada qoreen in
dadka Soomaalida loogu baqin inay ka samaysanto koox sida Taalibaanta
Afghanistan oo kale ah.
Waayo, sida ay ku doodeen
Soomaalidu waxay haystaan Islaamka Suufiyadu oo xoog ku leh, taas oo
aqoon-darro weyn ahayd oo ay u leeyihiin Soomaalida iyo taariikhda fikarka
Islaamka. Tiraba laba waqti ayaa Falsafada Jihaadka iyo Salafiyadu ama
asal-raaco ku xoogaysteen carriga Soomaalidu degto.
1. Midi waxay Kacdoonkii
Daraawiishtii ee uu Hoggaamiyaha u ahaa Maxamed Cabdulle Xasan (1900 – 1921),
taas oo marka ay dagaalka gelayaan ay ku dhawaaqi jireen “Aabaw na
Jahaadi”
2. Waxay ka tisqaaday magaaladda
Baardere qarangii 19aad. Sidaas oo kale ayaa ka dhacday dalal badan oo Muslim
ah, dal kasta oo Muslim ahna waa ay ka dhici karta cidna uma gaar aha, marka
laga tegiwaayo meelaha faqrigu ku badan yahay gaar ahaan.
Waxa Dawladda Mareykanku xayirtay
lacagihii ay lahaayeen Hay’ado badan oo samafalka ahaa ee magaca Islaamiga
watay iyo xawaaladdo. Waxa xagga Soomaalida la tilmaamay oo xayiraad la saaray
lacagteedii Xawaaladdii Barakaat.
Sida ku caan ah siyaasadda dunida
ee Reer Galbeedku ka taliyo, dawladihii oo dhammi waxay wada qaadeen tubtii
Mareykanku qaaday, cid walibana waxay is-tidhi yaanu Mareykanu ku qabsan ee
raac. Waxa jirtay in Xawaaladda Barakaat iyo Tililefoonkeedu uu waqtigaas si
xawli ah uga hirgalay Somaliland uu Marxuun Cigaal keenay Shirkii Golaha Wasiirrada
arrinta Barakaat waxa laga yeelayo iyo in Mareykankii xayiraad saaray.
Doodii waad garan karta waxa ay
isugu biyo-shubatay, in la xidho iyada oo loo arkaayey in Sharkadda Barakaat ka
soo jeedo Soomaaliya, aniga oo ku darsaday doodii hadalkan; “Madaxweyne,
Xawaaladdii mar hore ayey xidhantay, markii lacagtii laga xayiray ayey darteed
isaga xidhantay, haseyeeshee Mareykanku ma soo qaadin oo wax kama sheegin
talifoonka shirkada. Waxa kale oo xusid mudan waxa shirkadan wata qoladii
Garxajis ee ay dawladda isqabteen haddana la heshiiyey, taasna xisaabta ha lagu
daro.”
Marxuun Cigaal waxa uu ahaa nin
dhaqanyaqaan ah oo Siyaasadda Bulshada Soomaaliyeed 50 sanno ku jiray,
warkaygii ayaa dubuq yidhi, markaas ayuu soo gebegebeeyey doodii oo yidhi;
“Waxba lagama sheegin telefoonka waa uu furnaanayaa.” Illaahay ha ka raali
ahaado Marxuunku waxa uu oggolaa in la wada casheeyo ee aan cid gaar ihi
keligeede cashayn.
Markii geeridii ku qabsatay
magaalada Pretoria – South Africa, khadka qudha ee noo baxay si aan dalka ula
soo xidhiidhno waxa uu ahaa khadka Telesom. Sidaas ayey ku badbaaday Telesom oo
maanta la wada yaqaan kaalinta ay kaga jirto horomarka dalka. Anigu Telesom
saami (share) kuma lahayn wax kalena nagama dhexayn, waxan uga hiiliyey oo aan
uga dan lahaa bulsho wanaag iyo nabadgelyada Somaliland.
Qeybtii 4aad
Waddada aan Gurigayga u maro,
marka ay galabtii tahay ee aan lugaynayo, waxa aan soo ag maraa guri dharaar
iyo waayaheed i xusuusiya. Guriga waxa ku jirta Hay’adda UNDP, waxana iska leh
hadda ilma Cismaan Geelle. Gurigan waxa agtiisa ah guri yar oo dawladdu
leedahay oo aan muuqan. Dhulka guriga weyn laga dhisay waxa laga iibshay
Marxuun Cismaan Geelle, waxa uuse ahaa daaradii guriga dawladda.
Haddaba, markuu Marxuun Cismaan
Geelle doonay inuu jeexdo oo dhiso, ayaa shaqaale geliyey Wasaaradda Hawlaha
Guud oo uu Wasiir ka ahaa Injneer Yuusuf Caynab u tageen oo uu ka joojiyey
dhismihii oo meeshii boolis geeyeen.
Eng. Yuusuf Caynab waxa uu ka
mid ahaa Wasiirrada uu Madaxweyne Cigaal ku dhaadan jiray, waa Wasiirkii
hirgeliyey mashruuca dib-u-dhiska buundooyinkii go’naa ee wadda Gabiilay ilaa
Caynabo isku xidha ku yiillay. Mashruucaas oo ay maal-gelisay Midawga Yurub,
markay ku qanaceen xilkasnimadii uu lahaa Wasiir Caynab. Wixii intaa ka
dambeeyey Wasiir Caynab Midawga Yurub waa ay ka baxday dib-u-dhiska wadooyinka
markay ku qanciwayday maamulkooda.
Sidoo kale, Wasiir Caynab waa
ninka guryaha dawladda wada diiwangeliyey oo ku soo rogay dadka ku jiraa inay
kiro bixiyaan, balse wixii intaa ka dembeeyey Wasiirradii Wasaaradda uga
maamulkeeda gacanta ku qabtay waxay ku caan noqdeen iibinta Guryaha Dawladda
iyo dhulka bannaan ee Shacabka. Injineer Yuusuf Caynab hadda xannuun ayuu la
jiifaa oo aan cidina ka war hayn.
Aan ku soo noqdo dulucda
ujeeddadayda’e, shirkii Golaha Wasiirrada ayuu Madaxweyne Cigaal ku soo
bandhigay arrintii dhulka Gurigaas uu dhisanayey Marxuun Cismaan Geelle, oo uu
sheegay in meeshii ay galeen laba Suldaan oo hubaysani, Booliskiina uu isaga
yimid. Madaxweyne Cigaal waxa uu arrintaas u xilsaaray xubno Wasiirro ah oo ka
soo jeeda beelaha Arab iyo Garxajis, si ay xal uga keenaan hawsha lagu
furdaamiyo.
Shirkii Golaha Wasiirada ee
toddobaadkii dambe, ayuu Madaxweyne Cigaal ku furay warraysiga Wasiirradii uu
arrinta furdaaminta gurigaas u xilsaaray. Wasiirradii waxay ka warrameen
kulankii ay la qaateen labada Suldaan iyo hadalkii dhexmaray oo aan
wax-soo-jeedin xal ihi wehelin.
Madaxweyne Cigaal waxa uu ku
yidhi Wasiirradii; “Waxan idiin diray inaad xal ii keentaan ee waxba ii maydaan
keenin.” Waxa caddaatay in Wasiirradii labadii dhinacba ay ka cabsoodeen
dhinacii Salaadiinta iyo dhinacii Madaxweynaha, dabadeedto ay ku adkaatay inay
xal gaadhaan iyaga oo eed ka carar ah.
Markaas ayaan farta taagay oo
aan ku idhi; “Madaxweyne, wixii dawladdii lahayd ee Caasimada ku yiil reer
Hargeysa looguma iman, qoladayadii reer Bari iyo Galbeed waxba nagama soo
gaadhin ee waxay ahayd sida aan xukunka u qaybsanay inaynu guryahana u qaybsano
ee reer Hargeysa ayaa isku koobtay.
Haseyeeshee, arrintan waxa ay
ila tahay in xukuumaddu aanay labada Suldaan ku qabsan Balloodh, innaga oo wax
ka weyn ka filayna inay inala qabtaan. Waxse lagama maarmaan ciddii dulka
bixisay ee dawladda ka tirsanayd in lala xisaabtamo.”
Markaan hadalkii dhameeyey ayaa
Madaxweyne Cigaal taladii igu raacay oo yidhi; “Laba Suldaan oo aan wax weyn ka
filayno ku qabsanmayno Balloodh.” Sidaas ayaa Marxuun Cismaan Geelle ku dhistay
gurigan aan ag maro galabtii, kaas oo aan ku xusuusto dhacdadaas.
Waxa golaha Wasiirrada ka mid
ahaa Mudane Marxuun Cali Asad oo ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta
iyo Biyaha oo maalintaasna shirka fadhiyey. Marxuun Cali Asad markuu Maayarka
Magaalada Hargeysa ahaa ayuu mindhaa dhulkan bixiyey, mase aanan ogayn markii
aan hadlayey, balse waxaan mar dambe ku war helay in Madaxweyne Cigaal uu
xilkii ka qaaday.
Qeybtii 5aad
12-kii bishii feebarweri, sannadkii 1991, ayaan ka soo
degay Garoonka Joomo Keeniyaate ee Magaalada Nairobi anigoo diyaarad yar ka soo
raacay Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, garoonkaas oo lagu dhisay deeq uu
bixiyey marxuun Qadaafigii Liibiya. Labada Garoon iyo Kii Muqdishoba wararka
toddobaadkan ayey ku jireen, mid la isku haysto, mid diyaaradi ku shufbeeshay
oo gubatay iyo ka saddexaad oo dab ka kacay qayb dhan uu sahayday.
1968dii Garoonka Muqdisho waxa ku bas-beeshay diyaarad
Hargeysa ka soo duushay oo Soomali Airline lahayd oo reer dhan carruurtoodii ku
dhimatay, gaadhigii dab-demiska biyo ayaa laga waayey markii uu diyaaradii oo
holcaysa agyimid.
Iminka waatan la furay Garoonkii Hargeysa oo dib loo
casriyeeyey kii Berber-na dhawaan ayaa la dhammaynayaa, waa horumar weyn. Hase
yeeshee ma la hubaa in garoomadeena dab-damis iyo shaqaale tababaran oo lagu
tijaabiyey hawsha ay joogaan, mise waa sheekadii Soomaalida
qawda maqashii waxna ha u qaban.
Waxa la sheegay in Garoonka Nairoobi loo waayey dab-demis
bakhtiiya oo Magaalada Nairobi oo dhami aanay lahay baabuurta dab-demiska,
kuwii u soo gurmaday waxa lahaa shirkado gaar loo leeyahay. Waa wada Hargeysa
Afriki waxba isma dhaanto dhinaca adeegga bulshada.
Waxa aan la soo qaxay todoba carruur ah iyo hooyadood oo
diyaaradda igu weheliya. Waxa kale oo aan wada soconay Mudane Axmed Xaaji Cali
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ee hadda iyo Injiir Maxamed Ciise Cabdi oo
Xiirane lagu nanayso. Labduba shirkii dib-u-heshiinta iyo gooni-isu-taagga
Somaliland ee Burco ayey ka qaybgaleen markii dambe. Haddaba markii aan soo
galnay hoolkii taraansitka ayaanu horta doonanay cabitaan. Dhalo Kooke ah
oo qabaw ayaa qof weliba is raaciyey, tii uu ka maahmaahay Kornayl Ciise
Curaagte. Markaan qabownay ayaan u baahanay fiisihii aan ku gali lahayn dalkan
Keeniya. Waxaan waraystay mid dhar cadda garoonka ahaa oo nagu ag wareegay,
cidda madaxa ka ah laanta socdaalka garoonka iyo xafiiskiisa. Markuu na tusay
ninkii xafiiskiisii ee uu noo sheegay magaciisii ayaan xafiiskii ugu tegay oo
dhawr boqol oo doollar ku jebiyey oo u dhiibay baasabooradii oo dhan. Deeto
waxa uu noogu dhuftay fiisihi, sidaas ayaanu ku galnay magaaladii Nayroobi.
Waxan dhacdadaas soo xasuustay mar Madaxweyne Cigaal uu
Golaha Wasiirrada kaga warramay ku-dhaqanka hawl-fududayntu halka ay ka gaadhay
dalka keeniya. Waxa uu sheegay inuu warqad u dhiibay Ralia Odinga si uu u
gaadhsiiyo Madaxweyne Arab Mooy. Ralia Odinga ayaa warqaddii gaadhsiiyey
Madaxweyne Arab Mooy, dabeeto markiiba Hargeysa ayuu u soo duulay.
Waxa Madaxweyne Cigaal yidhi, “Waakaas oo durba waxa uu doonayaa khidmadii,
horena Ambaasadoor Cawil Xaaji Cali Ducaale oo markaas ahaa Wakiilka
Somaliland ee Keeniya ayaan wax ugu dhiibay.” Waqtigaas Ralia Odinga xil ma
hayn, mar dambe ayuu xil qabtay oo Wasiirka Koobaad ka noqday dalkaas.
Afrikada aan ictiraafka ka doonaynaa waa kuwaa, qolada reer
galbeedkuna laaluush cilmiyeysan oo la siiyo mukhalisiin loo bixiyey “lobby
group” ayey leeyihiin. Madaxweyne Cigaal waa fahamsanaa inuu ictiraafku kharash
ku xidhan yahay, Madaxweyne Daahir Rayaale-na waxa uu arrintan garwaaqsaday
markii uu Afrikada Galbeed tegay ee la baayaca; markaas ka dib ciddii la
kulanta waxa uu ku odhan jiray “waa ogahay halka loo marayo ictiraafka.”
Ayaan-darro tamar ayuu u waayey.
Sidaas darteed meelahaas oo shandad madhan lala cararaa oo
laga murmaa waxba soo hoyn mayso. Waa in dhaqaale loo huraa ictiraaf-raadinta
oo cashuur boqolkiiba labo (2% ) loo qoondeeya sidii Goballada Bari loogu
sharciyeeyey. Dhaqaalahaas oo toos ay u maamusho Wasaaradda Arrimaha Dibaddu oo
ay u madaxbanaan tahay. Sidaas ayuun baa lagaga midho-dhalin karaa ictiraafka
la raadinayo, wixii kaleba waa gacma daalis.
Wasiirkan cusubna waa diblumaasi Jimciyadda Quruumaha ka
tirsanaan jiray ma soo shaqo tegin sida qurbo-joog badan, markii uu doono
degdeg ayuu shaqo uga heli karaa Jimciyadda Qaruumaha oo waa nin la jitaabiyey.
Sidaas darteed yaan lagu lugaynin findhicilkii yaraa ee miisaniyadda ahaa ee
loo qoondayn jiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Haddii kale waxay sheekadeenu
noqonaysaa qofkii dumarka ahayd ee wadaadka shillinka siisay ee tidhi ‘iigu
ducee inaan wiil dhalo,’ ee wadaadkii intuu shilinkii hoos u eegay yidhi
‘wallee shilin baanad wiil cad ku dhalin;’ hadda findhicilkii miisaaniyadda
wallee ictiraaf laguma helo.
Qeybtii 6aad
Richard
Burton, dalmare Ingiriis ah oo Qarnigii 19aad booqasho ku yimid Soomaaliland oo
socdaal ku maray Saylac ilaa Harar ilaa Berbera,isaga oo sheeganaya Sheekh
Cabdulla ayaa Berbera lagu dhaawacay markii la ogaaday inuu gaal yahay ee
aanu muslin ahayn. Af Carabiga ayuu aad u yiqiin oo waxa uu Afka Ingiriiska u
tarjumay sheekooyinka Carabiga ahaa ee Kun Habeen Iyo Habeen,taas ayaa u
suurtagelisay inuu Sheekh Cabdalla sheegto. Waxay sheeko aan la hubinin
tiraahdaa , nin sheekh ah oo indhoole ah ayuu Berbera ku gacan qaaday ,Sheekhii
ayaa yidhi waar gacantani mid Muslim ma aha ee ha la baadho . Sidaas ayaa lagu
ogaaday oo deeto la doonay in la dilo ,waase ka badbaaday isaga oo dhaawac ah.
Waxa uu
qoray Buugga uu u bixiyey ” First Footsteps in East Africa”, kaas oo uu kaga
sheekaynayo wixii uu socdaalkiisa Carriga Soomaalida kala kulmay. Waxa aan ka
soo qaadanayaa laba arrimood oo ku sheegay Soomaalida kuwaas oo kala ah: In
Soomaalidu tahay dad isqabad iyo muran badan , oo weliba baryo badan oo
Carabtu dalkood u bixisay Bilaad Wax-isii.Labadii arrimoodba weli waa wadanaa.
Hadda
beryahan waxa lagu muransan yahay wadahadlkii Soomaaliland iyo Soomaalia ee dhawrka
jeer lagu kulmay marar kala duwan wadamada Boqortooyada Midawday , Turkiga ,
Iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.Muruq laba suule ,ninba si ku ah ayey
Soomaalidu tidhaahdaa.Labada dhinc (waa Soomaaliland iyo Soomaaliya )midba si
ayey ugu fasirtaa dadweynaheeda inkasta heshiisyada la soo wada saaray uu yahay
mid qudha . Qolada Soomaliya waxay tidhaahdaa waa soo wadnaa Soomaaliland inay
ku soo noqoto midawgii. Qolada Soomaalilandna waxay tidhaahdaa waan soo
dhicinaynaa aqoonsigii gooni-isu-taagga Soomaaliland.Cajab ninbaa yidhi
ma aniga ayaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa , markuu maqlay
Soomaali Cadan-weyn ka botarinaysa.Arrintaas oo uu liqi kariwaayey.
Bishii
Abriil 24keedii ,Sanadkii 2002 ,markii Marxuun Cigaal loo qaaday Wadanka
Koonfur Afrika ayaa diyaaradii nala sii fadhiisatay magaalada Daarasalaam ee
caasimada dalka Tansaaniya,si ay shidaal uga qaadato . Haddaba intii diyaaradda
shidaalka lagu shubayey ayaanu yara fadhiisanay Qolkii VIPdii oo
qaboojiye ku jiray ,maagaalada oo xeeb ahayd oo kululayd awgeed. Waxa
gidaarka sudhnaa sawirkii Neereeri kas oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey
ee dalkaasi markuu gobanimada qaatay .Marxuun Cigaal oo ay is
yiqiineen ayaa qoslay oo farta ku fiiqay oo yidhi habaarqabe. Waxa uu markaas
ka sheekeeyey arrin soo kala dhexmartay. Waxa uu yidhi waxa uu noo qaqbtay shir
wadahadal aniga oo markaas ahaa Raiisalwasaaraha Jamhuuriyadii
Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii Keeniya ee markaasi Joomo Keeniyaata (waa
madaxweynaha Keeniya ee hadda Uhuru Keeniyaata aabihii, inagu Cigaal
inankiisa maynaan dooran!!) ,deeto intuu iskaaya horfadhiisiyey ayuu yidhi
waakaase wada hadal . Waa isku qaadqaadnay ,cid na kala qabtaana ma jirin
oo Neereeri waa noo aamusay. Waxba islama aan gaadhin ilaayn cidi nama dhexdhexaadinayn
eh.
Sida aan
dad ka maqlay labda wefdi ee Soomaliland iyo Soomaaliya marka ay kulmaan waa la
isaga tagaa deeto waa isku qaadqaadaan oo cidina ma dhexdhexaadiso. Sidaas ayey
arrintu ku dhamaataa. Arrinta wadahadalka labada dhinac waxay ka soo yeedhay
shirkii Landhan ,warqad murtiyeedii ka soo baxday ,hase yeeshee mar qudha ayey
Dawladda Baqortooyadav Midawday martigelisay wada hadalka ,ka dibna faryaro
bidix ayey ka baxday . Faryaro bidix waxa laga soo qaatay marka Jiniga qofka
laga furdaaminayo ee qiiqa lagu shido ee neeftu qabato ayuu jinigu
yiraahdaa waa ka baxayaa , xagee ayaa la dhehaa? , waxa uu yiraahdaa faryaro
bidix. Tolow maxa ay u doorteen faryarada bidix? Waxba ma qabto ayaan u
maleeyey.
Waxa la
wareegay sheekadii Dawladda Turkiga , waxa soo dhexgashay haddana
dawladda Imaraadka carabta hal mar keliya .Haddana Turkiga ayaa dib ugu
soo laabtay .Saddexdaa Dawladood yaa ka codsaday in la wada hadalsiiyo labada
dhinac, oo codsigu ka yimid . Ma Soomaaliland mise Soomaaliya? Qolna inooma
sheegin . Hase yeeshee haddii aan soo dheegto xog ogaalnimo hore mar aan
ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliland sanaddadii (2002-2003).Ayaa
martiqaad waxa noo fidisay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Koonfur Afrika( Mrs
Zuma oo hadda ah ,Xoghayaha Midawga Afrika, oo marna ahayd Marwadii
Madaxweynaha Konfur Afrika ee hadda Mr Zuma.) . Waqtigaas xidhiidh xoogan ayaa
Soomaaliland la waday Konfurta Afrika . Waxay marwo Zuma noo
sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo waqtigaas ahaa Yuusf
Dheeg uu ka codsaday in Dawladda Konfur Afrika wada hadalsiiso Soomaaliland.
Dawladaha , Boqortooyada Midawday , Turkiga , Imaaraadka Carabtab intaba waxa
la xiriiratay Dawladii Shariif Axmed ee Soomaaliya oo ku beerlaxawsatay inay
Soomaalilaand u soo xerageliyaan .Dawladdan cusubina halkii
ayey ka sii waday.Haddii ay sidaasi tahay oo codsigu ka yimid dhinacaas ,marka
dawladahaasi oo dhami waxay ku taageerayaan( maadaam ay ictiraafsan yihiin
Dawladda Soomaaliya) Soomaaliya sidii Soomaaliland loogu qanci lahaa ku soo
noqoshada midawgii Soomaaliya.Marka ujeeddada qabashada wadahadalka sida
dawladda Soomaaliya sheegaynayso ayaa u eg mid u dhaw oo ay ka warhayaan
dawladaha martigeliyaa. Garoonka kubadda lagu ciyaaro qoloba garoonkooga ayaa
mar lagu ciyaaraa,ee ma haysanaa garoon aynu leenahay oo dheesha aan mar keeno?
Wadahadalku
ma xuma oo dadku hadalka ayey xayawaanka dheer yihiin. Waxa la sheegay in laba
dadyaw waqti hore ay ku kulmeen Dhulwaynaha Yurub. Kuwa Afrika ka tegay iyo
kuwa Yurub joogay . Waxa la ogaaday in kuwii Yurub loogu tegay ay dabar go’een.
Kuwii Afrika ka tegay ayaa adkaaday oo dadka yurub hadda ku nooli ka soo
tafiirmeen. Waxa sababta loo aaneeyey ,in kuwa Afrika ka tegay ay wada
hadli jireen ,kuwa Yurub loogu tegay aanay hadalka ama af la isku afgarto aanay
lahayn oo sidaas darted lagaga adkaaday noloshii oo ay galbadeen.
Yuhuudii
iyo Falasdiiniyiintii ayaa wada hadlaya , labadii Kuuriya ayaa wada hadlayaa ,
sidaa darted Soomaaliya iyo Soomaalilandna waa wada hadli karaan.Waxa uun ka
maqan cid itaal leh oo hogaaminaysa wadahadalka oo dan ka leh Mandaqadan.
Konfurta Soodaan waxay ku timid wadahadal ay dabdda ka riixayeen Dawladaha reer
Galbeedka ee Kiristaanka ah kuwaas oo ka hiiliyey Soodaanta Muslinka ah. Inagu
wada Muslin ayaan nahay. Dawladaha Muslinka ihi laguma yaqaan u kalmaynta
xuquuqaha aadamiga ah ,. Waxay hadal kuugu soo horaysiinayaan wada jooga
muslinka quwadiisa ha qaybinina waa hadda meel lagu hoobtay oo mar hore goraygii
ka hadaafay lagu kala tegay. Marka horena waxba kama qabtaan dhibaatada.
Haddaba Tuki oo dadka Kurdiyiinta ah xuquudooda u diiday una hanjabay
haddii Kudiga Ciraaq Dawalad madaxbanaan ku dhawaaqaan inuu qabsanayo oo aanu
oglayn ;maxay soo waddaa oo wadahadalka ku kordinaysaa. ? Dee waxba..Eriteriya
iyo Itoobiya waa isfahmay labadii Jabhadood ee Dawladdii Mengisto ka adkaaday
,deeto waxay isla ogolaaday inay iska kala faataxaystaan oo iska kala
tagaan,. Ma dhici kartaa labadii jabhadood SNM IYO USC ee Dawladii
Siyaad Bare ka adkaaday inay sidaas oo kale isu afgartaan iyada oo waddan
saddexaad loo baahan ? Ma suurtageli kartaa in qolada Ayuha Naastu inay u yara
faqdayso,layn ood jiidis iyo qaadis waa isla gurigeyn eh? Waa su’aalo furan.
Waxa loo baahan yahay in la raadiyo dal Ayaa-Ka tashiga , iyo xuquuqda adaamiga
rumaysan oo dano siyaasadeed ka lahayn Soomalida, inay ina dhexdhexaadiyaan .
Waxa laga heli karaa dalalka Waqooyiga Yurub ee lagu magcaabo Dalalka
Iskandaniifiya ( Sweden, Norway,Denmark,Finland).
Qeybtii 7aad
Aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta iyo Isku dubariddida ee
Jamhuuriyadda Soomaaliland sanadadii (1997—1999) ayaa arooryo si lama filaan ah
Madaxweyne Cigaal iigu yeedhay oo yidhi “ Geesaw bal galabta ii keen wixii
odayaal Warsangli magaalada jooga aan la sheekaystee”. Galabtii ayaan ilaa
toban oday oo kuwii ganacsada ahaan jray oo hadda magaalada iska joogaa oo aan
wax hayn, ayaan ugu keenay madaxtooyada oo fadhi loogu diyaariyey. Halkii ayaa
Berbera iyo waayo laga sheekaystay . Waxa ku jiray rag garanaayay Xaaji
Ibraahim Cigaaln oo la ganacsan jiray , waa (ina Xaadhxaadhato) Madaxweynaha
aabihii.
Cigaal ayaa sheekayey oo yidhi ,waxa war ii keenay wardoonka oo yidhi nin Hawiye ah ayaa bakhaar ka furtay magaaladan Hargeysa , ninkaasi oo iibsadaa hubka.Qolada warka ii kentay waxa ay u arkayeen in ay arrin dhiilo ah tahay . Aniguse waxa aan ku idhi waa war yididiilo leh. Hawiye maahe waxan jeclaan lahaa in Hindi iyo Carabiba ay meherado ka furato Hargeysa ,taas oo yididiilo u ah nabadda dalku gaadhay. Dhinaca iibsashada hubka waxan ka iri waar ka iibsha ka dawladana ,qorigii inaka tagaaba ,waa nabad inoo soo korodhay. Kaaf iyo kala dheeri aragtidaas iyo madaxa Soomaaliya ee meel walba u tegay cunqabtaynta hubka ha nagala qaado ee hubka cusub raadsanaysa.
Waxa culumada cilmi naftu( Psychologists) xaqiijiyeen ,in haddii qorigu kaa ag dhaw yahay ,isticmaalkiisuna waa fudud yahay . Waxay si farshaxanleh u sheegeen ,farta ayaa keebka jiidda marka la ridayo qoriga hadda keebkuna farta waa uu soo jiitaa markiisa oo qorigu wuu isridaa. Beryahan dambe wax magaalada ku soo badanaya dilal toogasho ah ,tolaw ma qorigii ayaa dib la inoo ku soo celiyey.
Waxa aan xusuustaa, markii sanadkii 1993 ,anaga oo ergo ah aan tegnay magaaladii Ceerigaabo oo Beelihii Hartigu ka maqan yihiin , ayaanu aragnay ragii oo budh wada sita. Markii aan weydiinay qoladii Musa Ismaaciil ( Habar Yoonis ) sabata ku kaliftay qaadashada waxan oo budh ah oo weliba ay jiraan dukaamo lagu iibiyo budhaadhku .Waxay noogu jawaabeen: Markii aanu ku kelyaaysanay magaaladii qorgii waxa uu nagu noqday dhibaato . Labadii isqabtaaba kaw ,xabad ayaa la isku dhiftay . Dilkii ayaa batay ,waxa aan doorbidnay in la isbudheeyo oo an la istoogaan oo qorigii ayaan iska fogeynay. Sidaas ayaa budhadhku u bateen oo hadda waa isbudhaynaa!!. Arrin macquul ah ayey u ekaatay oo Cilmiga psychologyga la socota..
Haddii aan ku soo noqono fadhigii Marxuun Cigaal iyo odayaashi Warsangeli. Waxa dhacday in oday ka mid ahaa odayaashu, uu Madaxweyne Cigaal u sheegay inuu Hargeysav ku lahaa
warshad saabuuunta samaysa . Warshaddii burburkii ay raaacday oo waa la fadhataystay. Gidaaradii ayuunbaa ka hadhay . Hase yeeshee meeshii cidbaa haysataa . Maxkamadihii oo dhami aniga ayey ii xukumeen oo waraaqihii haysta,ayuu yidhi. Isla markaas ayuu fayl Marxuun Cigaal u dhiibay. Cigaal faylkii ayuu aad u akhriyey ,deeto waxa uu yidhi ,” Dee arrintani waa dhan tahay ee maxaa jir?” Odaygii waxa uu yidhii “ waa dhan tahay ,waxa dhiman fulintii, markii aan u tegay taliyihii qaybta booliska ee lahaa inuu fuliyo go’anka maxkamada,waxa uu igu yidhi nin reer Sheekh Isaxaaq ciidan ku saarimaayo.” Cigaal intuu cadhooday ayuu ku dhawaaqay “ Aabahaa iyo reer sheikh Isaxaaq wa— war ma ku caddaynaysaa?“, Odaygii waa iska aamusay sarkaalkaas oo xidid ila ahaa darted.Madaxweyne cigaal talefoon ayuu qabsaday oo amar bixiyey odhanaya afar iyo labaatan saacadood gudahood waa in la fuliyaa go’anka maxkamadda , saac saacdna ha la iila socodsiiyo ,halka xaal marayo. Aroortii markii meeshii ciidan xoogan oo cagafcagfyo wata la geeyey ,ayaa qoladii haysatay ergo soo dirtay oo tidhi si nabadgelyo ah ayaan ugu guuraynaa. Sidaad ayaa odaygii dulkii ku helay oo mar dambe lacag badan kaga iibiyey Dahabbshiil. Arrimahaas iyo qaar kale oo la mid ah ayaa keenay kalsoonida ay Soomaliland ku hanaqaaday.
illaahay ha kaa abaal mariyo , waxaanan aad u jeclaystay qoraalka quruxda badan ee taariikhda iyo cilmigaba leh
ReplyDeleteProf Maxamed Siciid, Asalaamu Caleykum
ReplyDeleteSalaan Kadib waxaan jeclaan lahaa inaan ku weydiiyo, Tixda aad kasoo qaadatay Raage Ugaas ee ka bilaabata "Waxaan ahay naf tiix saaran iyo tiro sabaanaad'e" Inta aad ka heyso inaad ila wadaagto, fadlan.
Asalaamu Caleykum
alle cimriga iyo caqligaba ha kuu barakeeyo Prof Maxamed Siciid Gees aad ayaan kuu taageeraa waanan xiiseeyaa akhrinta qoraaladaada waanad ku mahadsan tahay sidaad noogu soo gudbiso taariikh iyo dhacdooyin aanaanu goobjoog u ahayn naguna adkaan lahayd helidodu la'aantaa waxan jeclaan lahayn inaad buug nooga samayso si jiilkan iyo jiilalka danbeba ay ugu noqoto wax ay dhaxlaan kuna munaafacaad sadaan. mahadsanid alle ha kaa abaal mariyo
ReplyDeleteGees Waa nin abaal Badan ku leh Qaranka somaliland
DeleteIllaahay ha Xafido